Madaxweynaha PL oo maanta Degmada Galdogob kaga qaybgalay Aaska Ugaas Axmed Ugaas Maxamed [Masawiro]

November 10, 2014 - Written by Editor

IMG_5546Galdogob :-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug kaga qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay Ugaaskii Guud ee Beesha Tanade Daarood (Leelkase) Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood oo shalay ku geeryooday Degmadaasi.

Salaadiinta dhaqanka ee Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday Qaar kamid ah Maamulada Dalka iyo dadweyne kale ayaa iyana ka qeyb galay aaska qaran ee maanta loogu sameeyey Degmada Galdogob Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tukashada salaada janaasada kadib khudbad uu jeediyey shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey Geerida ku timi Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood isagoona Alle uga baryey in janadii Fardowsa uu ka waraabiyo.

‘’Waxaan tacsi u diraya sidookale Beeshi uu ka baxay ,waxaan sidookale tacsi u diraya dadka reer Puntland meelkasta oo ay joogaan oo Ugaaskoodu ahaa Ugaas Puntland ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

Allaha unaxariistee Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali ayaa ahaa ugaaskii guud ee beesha Tanade Daarood ee Laylkase wuxuuna uu ka mid ahaa Isimadii waaweynaa ee wax ka dhisay dawlada Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-
 Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online