Madaxweynaha PL oo sagootiyey Cabdicasiis Naasir oo ah maal qabeen u dhashay Wadanka Kuwait.[Masawiro]

November 6, 2014 - Written by Editor

IMG_5142Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta sagootiyey Cabdicasiis Naasir Cabdicasiis oo ah maal qabeen u dhashay Dalka Kuwait kaasi oo Puntland u yimi sidii uu maalgashi balaaran ugu sameysan lahaa.

Maalqabeenkaan ayaa booqashooyin ku kala bixiyey magaalooyin katirsan Puntland waxana uu kamid yahay xubnihii ka qeyb qaatay in Dawladda Kuwait ay Puntland ka hirgeliso mashaariicda dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacada Maakhir ee Baran.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shahaado sharaf iyo sidookale hadiyado ay Puntland can ku tahay sida Beeyada ,Maydiga ,Fooxa iyo qalabaka farsamada gacanta ee hiddaha iyo dhaqanka soomaaliya gudoonsiiyey Cabdicasiis Naasir Cabdicasiis.

Madaxweyne Gaas ayaa Maalqabeen Cabdicasiis Naasir Cabdicasiis uga mahadceliyey booqashada uu Puntland ku yimi ,waxana ay isku afgarteen in maalqabeenku dib ugu soo laaban doono Puntland isagoona ka samaysan doona maalgashi caalami ah.
Maalqabeenkaan oo Puntland wakiil uga ah Mashruuca dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacada Maakhir ee Baran ayaa sheegay in March 2015 uu si toos ah u bilaaban doono dhismayaasha Mashruucaas.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online