Madaxweynaha PL oo soo gaadhay magaalada Addis-Ababa kuna sii Jeeda Puntland.[Masawiro]
November 1, 2014 - Written by EditorAddis:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta, halkaasi oo ay kaga qayb gelayeen shirweynihii UAE Counter-Piracy Conference 2014 ayaa galabta soo gaadhay magaalada Addis-Ababa oo ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland.
Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli M Ali Gaas, ayaa mudadii uu ku sugnaa wadamadaasi isutaga imaaraadka carabta waxaa uu madaxweynuhu la kulmay Madaxda dalkaasi, kuwaaso oo uu way kawada hadleen xidhiidhka ka dhexeeya dawlada Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa amniga iyo suuqa dhaqaalaha xorta ah.
Sidoo kalena waxaa ka mid ahaa waxyaabihii ay kawada xaajoodeen Madaxweyne Dr. Gaas iyo masuuliyiintii uu la kulmay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta dhinaca dib udhiska Puntland iyo sidii loogu hore marin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhinaca waxsooraaka beeraha.
Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Gaas ayaa waxaa uu sidoo kale la kulmay hay’ado, shirkado waaweyn, saraakiil katirsan bangiyada hore umaray, kuwaas oo dhamaantoodba hamuunweyn uqabay inay maal gashadaan Puntland.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu kulan casho sharaf ah la yeeshay habeenimadii Khamiista madaxda bangiga weyn ee CAC International Bank, iyda’oo madaxda bangigaasi ku casumeen madaxweyne Dr. Abdiweli kulan casho sharaf ah.
kulankaas casho sharafta ahaa ayaa ahaa kulan ay Madaxweyne Dr. Abdiweli iyo madaxda Bangigaasi ay ku gorfaynayeen sidii dhibidada loogu taagilahaa xarun weyn oo Bangigaasi ku yeelan doono caasimada ganacsiga ee Puntland ee Magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha dawlada Puntland iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa usoo anbabixi doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. halkaasoo ay mudo laba todobaad ah safaro shaqo kaga soo maqnaayeen.
no images were found
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.