Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu horkacayo oo gaarey Bosaaso.[Masawiro]
November 27, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka safar kaga soo kicitimay degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa gaaray isla saaka magaalada Boosaaso ee xaruta Gobolka Bari
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa duleedka magaalada Boosaso ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Gobolka Bari iyo maamulka Degmada , Issimo, ganacsato, iyo boqolaal dadweyne ah
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas ayaa waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyadda ee Boosaaso waxaan uu saxaafadda u sheegay in dhowr cisho uu sii joogi doono Boosaaso si uu ugu kuurgalo xaalada magaada isagoona kormeer shaqo ku tegi doono degada iyo Garooka diyaaradaha ee Bandar qaasim ee Boosaaso
Dhinac kale amaanka magaalada Bosaaso ayaa aad loo adkeeyey waxaan qadar saacad ah la hakiyey isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo dadweynaha xaafaddaha magaalada qaarkood.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net