Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Qardho.[Masawiro]
November 26, 2014 - Written by EditorQardho:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey maanta Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar-Kaar. Soo dhaweynta waxaa ka qeyb qaatay Maamulka Gobolka Kar-kaar,Maamulka degmada Qardho,Hogaanka dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ,kuwaasi oo diyaar garoow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga la socda.
Madaxweyne Gaas ayaa soo dhaweyn ka dib kormeer shaqo ku maray Cisbitaalka weyn ee qardho ,Xerada Tababarka Ciidanka Birmadka ,Wakaalada Xoogga Korantada Umadda ee EENEEYA iyo sidookale Garoonka diyaaradaha ee Qardho oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah.
Maamulka Cisbitaalka Qardho ayaa Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uga warbixiyey howlaha shaqo ee ay bulshada u hayaan waxana uu madaxweynuhu kormeeray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay cisibtaalka isagoona halkaasi ku booqday bukaanada ku sugan cisbitaalkaas kuwaasi oo hela daryeel caafimaad oo wanaagsan.
Booqashadan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maanta ku yimi magaalada qardho ayaa waxaa uu qeyb ka yahay safar shaqo oo uu ku tagayo Madaxweynuhu qeybo kamid ah Gobolada Bari iyo Kar-kaar.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.