Masjid cusub oo laga furay magaalada Laascaanod.[Masawiro]
November 7, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa maalinimadii shalay lagu qbteyy magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Xaflad lagu daah furayey Masjid cusub oo la yiraahdo Masjidu Ramadaaan iyadoo lagu dhisey Magaalad laascaanood ee Gobolka Sool . Furtiaanka Xaflada oo lagu qabtey Masjidka cusub oo Laga dhisey Bartama Suuqa dhexe ee Magaalada Laascaanod, waxaan ka soo qayb galay Xaflada Culimaa’u Diin , Madaxda Maamulka Somaliland , Badhasaabka Gobolka Sool , Ganacsato , iyo qaar ka mid ah Bulshada magaalada ku dhaqan .
Waxaa Xaflada Hadalo badan oo qiimo badan ka soo Jeediyey Masuuliyiintii ka soo qayb gashey waxaa ugu horreyn ka hadley Gudigii Qaabil sanaaa Dhismaha Masaaajid iyagoo dadkii ka soo qayb galay siiyey warbxino badan oo ku saabsan siddii ay Hawsha Masaajid ugu guuleysteen labo Sano oo ay socotey Hawsha Masaajida.
Sh Aadam Wali oo ahaa Gudoomiyaha Gudia Dhismaha Masaajidka ayaa sheegey dhaqaalaha ku baxdey Masaajidka iyo Cida dhistey Masaajdka , Waxaana uu sheegey in Masaajidka ay Dhiseen dadka Deegaanka ee ku Dhaqan Gudo iyo Dibadba iyo Dadka kaloo Badan oo Soomaaliyeed oo iyana ka qayb qaatey dhismaha Masaajidka.
Gudoomiyuhuu wuxuu sheegey in dhaqaalaha ku baxey Masaajidka uu ahaa :166,249 Kun ooo Dollar (Boqol iyo Lix iyo Toban Kun oo Dollar Sagaal Boqol iyo afar tan iyo Saddex Kun ).
Dhismaha Masaajidka ayaa ku yaal meel Suuq ah oo la yiraah BUULO QODAX Iyadoo Shalay Gudigii iyo Culumadii iyo Maamul kiiba ay isku raaceen in Magaca Suuqaa iyo Xaafadaa loo Bixiyo Magaca Masaajidka ee RAMADAAN.
no images were found
Lascanod,Somalia