Maxkamada danbiyada culus ee Ciidanka Puntland oo xukun riday.[Dhagayso]
November 17, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Waxaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee dowladda Puntland ee gobollada Bari, Gardafuul, Karkaar, Sanaag iyo Haylaan ayaa u fadhiisatay dacwad lagu soo oogay ilaa 7 ruux oo qaar ka mid ah lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.
Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland C/fitaax Xaaji Aadan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhalinyarad la soo taagay maxamada maanta lagu soo qabtay howl gal ay ciidanku ka sameeyeen Kontroolka Boosaso iyagoo saad u sidda ciidanka Al-shabaab ee Buuraha Golis doonayeyna in ay ku biiraan si ay ula dagaalamaan ciidanka Puntland.
Eedeysanayaasha maanta la soo taagay Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee dowladda Puntland s ee gobollada Bari, Gardafuul, Karkaar, Sanaag iyo Haylaan ayaa waxaa ka mid ah:-
1. C/risaaq Shariif Cumar Shariif
2. Maxamad Cabdi Axmad Colow
3. Maxamad Cabdullaahi Axmad Cabdalle
4. Xaajaw Shiih Nuur Cumar
5. C/xakiin Maxamad Ciise
6. Maxamuud Aadan Ducaale
7. Saacid Aadan Cabdulle.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sidda ayaa markii uu dhagaystay eedeynta uu xeer ilaaliyaha maxkamadu uu u soo jeediyey eedeysanayaasha ayaa waxaa ay Maxkamadu dil toogasho ay ku xukuntay eedaysanayaasha kala ah:-
1. Maxamad Cabdi Axmad
2. Xaajaw Shiih Nuur Cumar
3. C/risaaq Shariif Cumar
4. Maxamad Cabdullaahi Axmad
5. Maxamuud Aadan Ducaale
6. C/xakiin Maxamad Ciise
Dhanka kale waxaa ay Maxkmadu ay xoriyadiisa ay u soo celisay Eedaysane Saacid Aadan Cabdulle ka dib markii dambiga lagu soo eedeeyey aan loo heli cadaymo buuxa , waxaa kale oo ay Maxkamadu dib u dhigtay kiiska labo askari oo ka tirsan ciidanka PMPF ee Puntland oo lagu kala magacaabo Dable C/llaahi Nuur iyo Dable Ayuub Cali Ismaaciil, oo qof shacab ah dilay.
no images were found
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland C/fitaax Xaaji Aadan
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/kwlaj53hdo/gudoomiye.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net