Mooshin ka dhan ah Raisulwasaaraha DFS oo loo gudbiyey golaha Baarlamaanka

November 6, 2014 - Written by Editor

cabdiweliMuqdisho:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh.Axmed goor dhow loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka DFS. Ilo wareed ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Halgan.net in  saaka mooshin laga gudbiyey xukuumada Raisulwasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed waxaana tirada Mooshinka gudbisay lagu sheegay in ka badan 100 xildhibaan oo ay ku jiraan wasiiro ka tirsan DFS.

Khilaafka u dhexeya madaxada DFS ayaa maraya meeshii ugu xumeyd waxaana fashil ku dhamaaday dhexdhexaadin ay QM iyo IGAD ka dhexwaday madaxada sare ee DFS.

Xildhibaanada ka tirsan DFS ayaa ka wada magaalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah kaas oo ay ku kala taageerayaan Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud iyo Raisulwasaare cabdiweli Sheekh Maxamed.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo maanta waxaa soo gaaray xildhibaano ka tirsan DFS oo dalka dibada uga maqnaa si ay uga qeyb qaataan Mooshinka ka dhanka ah xukuumada  Raisulwasaare Cabdi Weli Maxamed

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu gadaal ka riixayo mooshinka lagu ridayo Raisulwasaaraha DFS Cabdi weli Sh .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online