Mu,asasadda Al-karam oo Safar Dacwadeed ku gaadhay Gobolada Owdal iyo Gabilay (Masawiro)

November 8, 2014 - Written by Editor

20141105_110859 - CopyBoorame:-Mu,asasadda Al-karam ee dacwada iyo horumarinta ayaa safar dacwadeed ku soo martay goobo fara badan oo ay ka mid ah gobolada Owdal iyo Gabilay .Safarakan dacwadeed oo qaatay muddo saddex cisho ah ayaa waxa hogaaminayay Sheikh Muxamed Sheikh Cumar Dirir xafidahu alaah waxana soo abaabulay mu,asasadda al-karam.

Sheekha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wacyi galin ka bilaabay deegaanada ay ka mid yihiin :
1- Dilla
2- Boorama
3- Wajaale
Sheikh Muxamed Sheikh Cumar Dirir ayaa waxaa uu ka wacyi galiyey bulshada uu la kulmay dhibka Qaadka , qabyaalada , akhlaaq xumada, jaarka , dulmiga , tawxiidka iyo cibaadada, waxbarashada iyo iwm.

Meelaha uu Sheekhu muxaadaraadka iyo wacyi galinta ka sameeyay waxaa ka mid ahaa.

1- Fagaaraha wayn ee magaalada dila oo dadwayne aad u tira badanina soo buux dhaafiyeen iyada oo magaalada lagasoo wada baxay meheradahana lasoo wada xidhay
2 Machadka Zaylac ee culuumta Shareecada iyo Luqada Carabiga Ardaydiisa
3 Masaajidka wayn ee Abuu Hurayra ee badhtamaha magaalada Boorama
4 Jaamacada camuud ee magaalada boorama
5 Dumarka magaalada wajaale
6-Muxaadaro balaadhan oo habeenkii jimcaha ka dhacday masaajidka way ee Al-Nuur ee magaalada Wajaale

no images were found

Sheikh Muxamed Sheikh Cumar Dirir waxaa safarkiisaa dacwadeed ku wehelinayay
1-Maxamed xuseen cali ( deeq) gudoomiye xigeenka mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarinta
2-c/naasir cali barkhad (abu jacfar ) xoghayaha mu,asasada al-karam
3-Alxusayni oo ah iclaami islaamiya
4-Cabdiraxmaan Sh Muxamed Sh Cumar Dirir oo ah curadkii sheekha
Safarkan ayaa waxa uu ka mid yahay safarada is daba joog ah oo baryihii u dambaysay ay mu,asasadu ka waday Gobolada s/land.

Mu,asasadda Al- Karam ee dacwada iyo horumarinta

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online