Mu’assasadda Al-Minhaaj Galdogob oo safar dacwo ku tegtay Xero-jaale iyo Isqanbuus.[Masawiro]

November 10, 2014 - Written by Editor

16Galdogob:-Culumada Mu,assasada Alminhaaj Galdogob oo ay wehliyeen Odayaal , waxgarad iyo waliba masuul ka mid ah Gudiga joogtada ah ee Golaha Deegaanka degmada ayaa waxay ugu bexeen Jowlo dacawi ah qaybo ka mid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Galdogob.

Jawladaani oo ah tii labaad ee Mu’asasadu ay ugu baxdo Deegaanada Hoostaga Galdogob ayaa waxaa looga gol lahaa in lagu wacyi galiyo Dadka deegaanadaas degan iyo reer miyiga ku xiran maadaama Allaah uu u barwaaqeeyey oo raxmadiisii ugu roonaaday.

Barqanimadii ayey culumadu gaareen Tuulada Xero-jaale oo 18KM dhanka bari kaga aadan Magaalada , waxayna dacwo shaaric ku qabteen Bartamaha Tuulada , maadaama Culumadu ay wateen gaari ay ku xiran yihiin Codbaahiyayaal waawayn oo codka culumaduna gaarsii nayey gees ilaa geeska kale ee Tuulada.

Muxaadaradii ka dib ayaa maykarafoonka lagu wareejiyey Culumada iyo Waxgaradka Tuulada waxayna aad u soo dhaweeyeen Booqashada Culumadu ay ugu yimaadeen, waxayna codsadeen in loo badiyo wacyigalinta diimeed lagana hadlo arrimo deegaanka ku soo kordhay oo ah qaybo kamid ah dadka oo deegaankii xooluhu daaqi jireen xirmaysanaya.

Intaasi ka dib Culumadu waxay u sii gudbeen Tuulada Isqanbuus waxayna muxaadaro diini ah ku qabteen masjidka tuulada, ka dibna Mu,assasadu waxay dhaqaale uruurin u samaysay dugsigii tuulada oo xirmay, ayadoo dhaqaalahaas loo adeegsan doono inaan mar danbe daaciga iyo macalinka tuuladu uusan uga tagin dhaqaale la’aan , sidoo kale waxay Mu’asasadu  balanqaaday in si degdeg ah halkaas ay ku keeni doonaan Sheekh shaqada Dacwada iyo Waxbarashadaba Tuulada ka haqabtira.

Dhanka kale Maamulaha Dugsiga Daarul Hidaaya ee Galdogob kana mid ah hawl wadeenada Mu,assasada Alminhaaj galdogob Ustaad C/nuur Max’ud C/samad.

Ugu danbayntii waxaa hadalo mahad celin iyo bogaadin isugu jiray halkaasi kasoo jeediyey Nabadoon Faarax Ashkir Muuse oo ku hadlayey Codka Dadka ku dhaqan Deegaanka Isqanbuus iyo nawaaxigiisa.

Sikastaba ha ahaatee waxaanan la iska indha tiri kirin Baahida weyn ee Dadka Tuulooyinka iyo reer miyigu  ay u qabaan Wacyi galinta Diinta iyada oo Mu’asasada Al-Minhaajna ay u istaagtay sidii ay iskugu dayi lahayd inay daboosho baahidaasi aadka Muhiimka u ah.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online