Xaflad lagu wareejinayey deeq lacageed oo loogu tala galay Abaaraha ka jira Gedo oo ka dhacay masjidka Al-huda ee Garoowe.[Masawiro]
November 15, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Xalay oo ahayd Habeen Sabti soo galayso, 14/11/2014. waxaa ka dhacday Masjidka weyn ee Al-hudaa ee Garoowe, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey, laguna guddoonsiiyey Wafdi ballaaran oo matalayey bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo, ee ay Abaaruhu Naafeeyeen, Deeq dhaqaale oo ay Bulshada reer Puntland ugu deeqeen Walaalahooda ku Naafoobay Abaartii Sanadka u dhufatay Gobolka Gedo.
Xafladan oo ay soo Agaasintey Mu’asasada Al-minhaaj ee Dacwada iyo horumarinta, ayna kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda, Dhaqanka, Culumada, Madaxda Mu’asasada, Wafdiga Gobolka Matalayey, Ganacsatada, iyo Dadweyne fara badan.
Munaasabadda ayaa waxaa hadallo Qiiro leh kasoo jeediyey Masuuliyiintii kala duwanaa ee kasoo qaybgalay waxaana Aayadaha Qu’aanka kariimka ah ku Furay Macallin C/kariin Daahir Maxamuud oo ka mid ah Culumada iyo Macalimiinta Magaalada.
1. Guddoomiyaha Gobolka: waxaa ugu horayn kasoo jeediyey Madasha kalmad soo dhaweyn iyo dhiirri gelin ah, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal C/qani Xaashi Cali, isagoona Wafdiga ku soo dhaweeyey Guud ahaan Puntland gaar ahaan Caasimadda, Wuxuuna si fiican ugu mahad celiyey Dabweynaha reer Puntland doorka taageero ee ay u istaageen, gaar ahaan wuxuu Mu’asasada Al-Minhaaj ku ammaanay Hawlaha ay Bulshada u hayso, isagoona ku dhirri geliyey in ay sii laba jibbiraan dhinaca kalana bulshada ku diirri geliyey in ay garab istaagaan Mu’asasada.
2. Guddiga Farsmada: Sh.C/qani Qorane Maxamed oo ka mid ahaa guddigii dhaqaala ururinta iyo Farsamada ee loo xilsaaray ururinta taakulada ayaa wuxuu soo jeediyey Faah-faahin kooban ku saabsan dhaqaalaha, wuxuuna yiri: “waxaa Gurmadka la daah furay: 12/10/2014, waxaana lagu daahfuray Xaflad weyn oo ka dhacday Hoolka Wey ee Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe, waxaanuna ururinta bilownay isla maalinkaas, waxaannu soo gabagabeyney 4/11/2014, waxaanuna kadib ugudubnay qaabkii wareejinta, waxaa ugu badnaa lacagihii bixiyey $10,000(Toban ku oo dollar) waxaana ugu yaraa oo qof bixiyey $0.25( Shan iyo labaatan Sent).
Waxaan aad u xisi karaa Shirkadihii iyo Shakhsiyaadkii kaalinta lama ilaawaanka ahayd ka geystey taageeradan shida: Shirkadda Golis oo bixisay $10,000, Baarlamaanka Puntland oo bixiyey $6,600, Shirkadda Towfiiq oo bixisay $4000, Shirkadda Barwaaqo: $3000, iyo Nin reer Galdogob ah oo bixiyey QAALIN GEEL AH, iyadoona aan Ammaanayo dhammaan Ciddi wax bixisay, dhaqaalahani waxaa uu ka kala yimi Magaalooyinka kala ah: Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo, iyo Galdogob, wuxuuna dhanyahay dhaqaalaha aan Caawa halkan ku wareejinayno $100,000( Boqol ku oo dollar”.
3. Sh: Fu’aad maxamuud Xaaji Nuur oo kalmadda culumada ku hadaley ayaa Dadwenihii madasha joogay aad ugu dhiirri geliyey Muhimadda ay leedahay, in la isu gurmado, isagoona cadeeyey in ay ka mid tahay xuquuqda ay muslimiintu isku leeyihiin, wuxuuna ka digey waxyaalaha dhaawici kara waaltinimada iyo Midnimada ayna ugu weyntahay Qabyaaladdu oo ah Sheyga Soomali dhigay Shillalka ay Maanta taallo isagoona aad ugu cel-celiyey In Cudurkaa Soomaali Go’aansato sidii ay isaga dabargoyn lahayd.
4. Dhinaca Dhaqanka ayaa waxaa ka hadlay Isimada kala Ah: Beelbaaje Ismaaciil Beldaaje Yaasiin, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, iyo Islaan Ciise Islaan Maxmed Islaan Muuse, Dhammaantoodna waxay soo Dhaweyn Diirran usameeyeen Wafdiga matalayey Reer Gedo, waxayna usoo jeediyeen Talooyin dhaxal gal ah, waxayna ilaah uga baryeen wixii Abaaru ka galaafteen in uu uga cawil celiyo, waxa uharayna ubarahkeeyo.
5. Guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj: Sh Maxamed C/llaahi Cabdulle ayaa isna dhankiisa wuxuu xusay qaabkii wanaagsanaa ee ay Shaqadani udhacday wuxuuna dadweynaha uga mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee ay uga jawaabeen codsigoodii ahaa in walaalaha reer Gedo lagala qayb qaato dhibta soo gaartay, wuxuuna umahad celiyey dhammaan dhinacyadii ka qayb-qaatay taabba gelinta hawshan qaran, wuxuuna Bidhaamiyey Doorka horyaalnimada ah ee Mu’asasadu ka qaadatay hawshan, iyo guud ahaanba hawlaha ay Mu’asasadu u qabato bulshada.
6. Ganacsade Jaamac dhagadheere oo madasha ka hadlay ayaa isna cabbiray dareenkiisa ku aadan hawshan , isagoona ku ammaanaya Mu’asasada Al-minhaaj kaalinta Firfircoon ee ay ka qaadatay hawshan iyo kuwii ka horeeyey sida doorkii ay ka qaadatay Duufaantii kal hore ku dhufatay Deegaanno ka mid ah Puntland iyo arrimo badan oo ay Mu’asasadu kaalin lixaad leh ka geysatey, wuxuuna Goobta ka ballan qaaday Dhaqaale uu ku darayo hawshan Gurmadka.
7. Wafdiga matalayey Gobolka Gedo: Wafdigan oo uu Hogaaminayey Garaad Maxamed Sh Maxamuud Sh: C/laahi, oo ka kooban lix xubnood oo kala ah:-
• Garaad Maxamed Sh: Maxamuud Sh: C/llaahi. Guddoomiye.
• Siyaasi: Maxamed Cali Cabdi Xubin.
• Ganacsade: C/kariin Cali Magan. Xubin
• Sh: C/llaahi Ciise Faarax, Xubin.
• Sh : C/qaadir Xaashi Cabbaas ( Xoghayaha Mu’asasada Al-Raxma) Xubin.
• Sh: C/qaadir Warsame Maxamuud. Xubin.
Waxaa Xubnihii wafdiga u hadlay sida: Sh: C/qaadir Xaashi, Siyaasi: Maxamed Cali Magan, iyo Garaad Maxamed ay dhammaan dhankooda usoo jeediyeen Shacabka Puntland iyo Maamulkoodaba Ammaan iyo Hambalyo, waxayna ku Ammaaneen walaahooda reer Puntland dareenka iyo garab itaagga ay issu xilqaameen, iyo gaar ahaan kaalinta lama ilaawaanka ee ay Mu’asasada Al-minhaaj qaadatay, Garaad Maxamed Sh: Maxamuud, oo Wafdiga hogaaminayey ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxaan Salaan idiin ka wadnaa dhammaan Bulshada reer gedo waxayna idiin ka mahad celinayeen Islxilqaankiinna iyo dareenka walaaltinimo ee aad umuujiseen, waxaanuna ka mahad celinaynaa sidda wanaag san ee naloo soo dhaweeyey”.
8. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntlan Mudane: Saciid Xasan Shire. oo soo Xiray Xafladda ayaa isna dhankiisa Wafdiga soo dhaweeyey Ammaan iyo ducana ujeediyey dhammaan Bulshada reer Puntland kuna Ammaanay Kaalinta ay qaateen.
Gabagabo: Gabagabadii Xafladdaa ayaa waxaa Wafdiga la guddoonsiiyey JEEG ay ku qorantahay Lacag Dhan: 100,000 (Boqol ku oo dollar). waxaana si wada jir ah ugudoonsiiyey: Guddoomiyaha Baarlamaanka, Muadane: Siciid Xasan Shire Guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj: maxamed C/llaahi, Iyo Islaan Ciise Islaan Maxmed. waxayna Xafaladdu kusoo dhammatay jawi farxad iyo rayn-rayn ku dheehantahay.
no images were found
Xafiiska Warbaahinta Mu’ssadda Al-Minhaaj ee Puntland
Nuur Jaamac Aadam