Nabadoonka Beesha Caamir Maxamed ee Cismaan Maxamuud oo Qardho Lagu Caleema Saaray.[Masawiro]
November 28, 2014 - Written by EditorQardho:-Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay laguna caleema saarayay nabadoonka beesha Caamir Maxamed ee Cismaan Maxamuud ayaa lagu qabtay goobta dooga wanaag san ee Hara Geeye. Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka gobolka kan degmada, Taliyaha ciidanka Booliska dowlada puntland, la taliyaha madaxweynaha dhanka amaanka, Isimo, Nabadoono, Culuma’udiin, Ganacsato, dhalinyaro iyo waxgarad kale ayaa waxaa lagu caleema saaray Caaqil C/fataax Caaqil Cismaan Ciise Fikad oo loo caleema saaray inuu noqdo nabadoonka beesha Caamir Maxamed ee Cismaan maxamuud
Ugu horayn waxaa goobta kalimado wacdi ah ka jeediyay Sh. Yuusuf C/casiis oo dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xaflada kula dardaarmay alle ka cabsi, waxa uu sidoo kale si gaar ah ula hadlay nabadoonka cusub asagoona kula dardaarmay inuu ilaah u hogaansanaado marwalba umada dooratay iyo dhamaan muslimiinta oo dhana u cadaalad sameeyo.
Intaa kadib ayaa waxaa hadalo kookooban lasiiyay odayaashii iyo nabadoonadii ka soo qaybgalay xaflada waxayna u mahad celiyeen dhamaan kasoo qaybgalayaasha xaflada sidoo kale waxa ay sheegeen inay gudoomeen raalina ka yihiin nabadoonka cusub si wanaagsana ay ula shaqayn doonaan.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaama la roor oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay caleema saarka Nabadoonka Cusub ka maamul ahaana ay soo dhowaynayaan. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/quraan oo asna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaan dadki ka soo shaqeeyay xaflada iyo beesha caleema saaraysa nabadoonka cusub wuxuun yiri waxaa loo baahanyahay in nabadoonka lala shaqeeyo lana xooleeyo.
Nabadoonka la caleema saaray ayaa waxa uu ku soo biirayaa Saaxada Nabadoonada waxaana uu xilka Nabadoonimo uu kala wareegayaa allah u naxariistee Caaqil Cismaan Ciise Fikad oo ah aabaha Nabadoonka Cusub. Ugu dambayntii ayaa waxaa xaflada ka hadlay nabadoonka cusub ee Beesha Caamir Maxamed ee Cismaan Maxamuud nabadoon C/fataax Caaqil Cismaan Ciise Fikad oo u mahadceliyay dhamaan kasoo qaybgalayaasha xaflada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay Xilka loo doortay bulshadana uu cadaalad ku maamuli doono wuxuuna ka codsaday dadkii ka soo qaybgalay xaflada iyo dhamaan shacabwaynaha Puntland inay la shaqeeyaan asagana marwalba uu diyaar u yahay inuu maqlo taladoodana qaadan doono.
Gabagabadii xaflada ayaa waxaa loo duceeyay nabadoonka cusub Nabadoon C/fataax Caaqil Cismaan Ciise fikad waxaana ilaah looga baryay inuu ilaah u fududeeyo xilka loo doortay.
no images were found
Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)
Qardho-Puntland-Somalia