Qaar ka mid ah golaha wasiirada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho
November 18, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Kulan ay maanta isigu yimaadeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa waxaa uu ka dhacay maanta magaalada Muqdisho waxaana kulanka shir Gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheikh Axmed Maxamed.
Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi,waxaana uu sheegay in Kulanka looga hadlay xaalada dalka guud ee dalka gaar ahaana Amaanka iyo Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya madaxada DFS.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi ayaa ka warbixiyey falalka amni daro ee ka dhacay Muqdisho iyo howlgalada ay dhawaan ciidanka amaanka ku soo qabteen dhagar qabayaal qaraxyo iyo dilal ka fuliyey magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukumadda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Maxamed Xirsi ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in golaha wasiirada ay dhawaan war ka soo saari doonaan doorashada Shariif Xasan Sh Aden ee loo doortay madaxweynha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ridwaan Maxamed Xirsi ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka madaxada sare ee DFS wuxuuna sheegay in golaha wasiirada ay howshooda sii wataan mar wax laga weydiiyey wasiiro ka dalbaday iscasilaad RW Cabdi weli wuxuu sheegay in arinkaas xafiiska Raisulwasaaraha oo qoraal ka soo saaray .
A/Cawale
Halgan.net