Radio Daljir oo cambaareeysay dilkii Warye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver (War-saxaafadeed)

November 19, 2014 - Written by Editor

daljirGaalkacyo:-Agaasimaha Guud ee Radio Daljir Axmed Sh Maxamed Tallman ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay cambaaraynayaan dilka axmaqnimada ah ee loo geystey Wariye Silver oo kamid ahaa Wariyayaasha lafdhabarta u ah Saxaafadda Soomaaliyeed gaar ahaana Radio Daljir oo uu ka hawlgalayey sanadihii u danbeeyey.

Warsaxaafadeedka ayaa Dawladda Puntland looga codsaday inay si deg deg ah usoo qabato dhagar qabayaashii dilka u geystey Wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver

War-saxaafadeed Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun!

Anigoo ku hadlaya macaga Radio Daljir maamul iyo shaqaalaba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday C/risaaq Cali Cabdi “Silver” oo ka tirsanaa wariyeyaasha Radio Daljir oo xalay fiidkii lagu dilay magaalada Galkacyo.

Waxaan si buuxda u cambaaraynayaa dilkaas naxdinta leh oo ay geysteen dhagar- qabayaal dhiigyo cab ah, kuwaas oo marxuunka rasaas ku furay xilli uu fadhiyey baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Galkacyo.

Marxuunku wuxuu Radio Daljir u shaqaynayey muddo afar sano iyo bar ah, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo labo carruur ah.
Maamulka Radio Daljir wuxuu ka codsanayaa dawladda Puntland in si deg deg loo soo qabto dhagar-qabayaashii gey stay dilkaas foosha xun si ay caddaaladda u wajahaan!

Dhammaad

Axmed Sheikh Maxamed “Tallman”
Ag. Guud ee Radio Daljir

Leave a comment

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online