Ra’iisul wasaaraha DFS “Xubnaha Golaha Wasiirada waa iney u gutaan shaqadooda si waafaqsan dastuurka Dalka”
November 17, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiir ka tirsan xukuumadda oo sheegay in 14 wasiir ay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan inuu is casilo, waxaana xafiisku sheegay in warqadaas aysan soo gaarin.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda markuu arkay qodobka 97-aad ee Dastuurka Soomaaliya faqradihiisa 1,2,3 iyo 4-aad. Markuu arkay Qodobka 100-aad farqradihiisa (a) iyo (b) Markuu tixgeliyey waqtiga adag ee dalku marayo, wuxuu go’aamiyay:
• In xubnaha Golaha Wasiirada oo ah awoodda fulinta dalka ay howlahooda shaqo u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana aanay qeyb ka noqon khilaafka iyo dhibaatada la doonayo in lagu naafeeyo dadaalka xukuumadda iyo qorshaha hiigsiga cusub ee 2016.
• Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya wuxuu si cad u xaqiijinayaa inuu u taagan yahay maslaxada dalka iyo horumarinta danta guud ee Qaranka, isla markaana uusan aqbali doonin wax alla wixii ka horjeeda Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla ee la doonayo in lagu kala daadiyo dowladnimada Soomaaliya iyo mustaqbalka u soo ifaya dadka iyo dalka.
• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dib ugu xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed inuusan ka leexan doonin wadada sharciga ah, wuxuuna uga mahadcelinayaa dadweynaha, Xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka taageerada ay siiyeen xukuumadda iyo hoggaankiisa.
• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu dhammaan xubnaha Golaha wasiirada ku adkeynayaa inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan ummadda, kana digtoonaadaan inay noqdaan gacmhii loo adeegsan lahaa burburinta sharciga iyo dowladnimada; wuxuuna diyaar u yahay inuu aqbalo wasiirkii doonaya inuu is casilo ee garowsada inuu gudan waayay xilkii uu qaranka u hayey.
• Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu soo dhoweynayaa dadaalka ay wadaan beesha caalamka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay u hayaan qaranimada iyo in sharcigu sarreeyo.
Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar labaad ku adkeeyey xubnaha golaha wasiirada in howl maal meedka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed si habsami ah u gutaan si dalka loo gaarsiiyo himilada 2016.
—DHAMMAAD—-
Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so