Sarkaal ka tirsan DFS oo lagu dilay agagaarka Ex-kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho
November 13, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow lagu dilay agagaarka Ex-kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo wiil uu dhalay .
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Gaashaanle Dhexe Daahir Barre Maxamed waxaana la socday wiil u dhalay oo la yiraahdo Yoonis Daahir oo isagana ku dhintay weerarka
Weerarka ayaa waxaa geystay koox hubeysan waxaana ay isla markiiba ka baxsadeen goobta .ciidanka DFS ayaa soo gaaray wax yar ka dib goobta lagu dilay Gaashaanle Dhexe Daahir Barre Maxamed.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dilalka iyo gumaadka ay ku heysay shacabka Muqdisho dib u bilaawday iyada oo ka faa,ideysaneysa khilaafka ka dhex aloosan madaxada DFS oo saameeyey ku yeeshay hey,daha DFS.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa in mudo ah ka nastay dilalka iyo qaraxyda kooxda Al-Shabaab ka dib markii laga saaray magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow .
72-dii saac ee u dambeysay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weeraro kala duwan ay geysanayaa kooxda Al-Shabaab iyada oo weerardaas lagu dilay masuuliin ka tirsan DFS iyo dad rayid ah.
A/Cawale
Halgan.net