Shir looga hadlaayo Qabyaaladda iyo Xadgudubka diineed oo ka socda Istanbul.[Masawiro]
November 12, 2014 - Written by EditorIstanbul:-Shir looga hadlayay Qabyaaladda iyo Xadgudubka diineed dhibka ay ku hayaan Dunida Islaamka guud ahaan iyo gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ayaa ka socda magaalada Istanbul dalka Turkiga. Shirkaan ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalintii Isniintii 10/ 11/14 waxaan shirkaan soo qabanqaabiyay ururka la dagaalanka qabyaaladda ee ATM (Anti-Trablism Movement) oo fadhigiisu yahay dalka Britain.
Kulankan ayaa waxaa uu socon doonaa mudo Saddex maalmood ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah culummada Soomaaliyeed iyo aqoonyahannada, waxaana looga hadli doonaa inta uu socdo qabyaaladda iyo Xadgudubka diineed.
Culummada lagu casuumay shirkan ayaa waxaa ka mid ah, guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Dr.Bashiir Ahmed Salaad iyo ku xigeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Nuur Baaruud Gurxan, Sh.Maxamed Idriis Axmed, gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe Sh.Maxamuud Yuusuf, Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar iyo culumo kale.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu casumay qaybaha kaladuwen ee bulshada sidda dhalinyarada, abwaanada, aqoonyahano, dumarka iyo qaybo ka mid ah bahda saxaafada. Dhanka kale, waxaa ka soo qayb galay shirka culumo’udiin ka kala socda Masar, Tanzania iyo Kenya.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu lasoo gaba-gabeeyo maalinta Arbacada ah ee bari ah, iyadoo laga soo saari doono war-mutiyeed haddii Alle idmo
no images were found
Halgan.net