Shir Looga hadlayey Horumarinta iyo Tayaynta JBA Faraceeda Qardho oo Lagu qabtay Hotel Gufure.[Masawiro]

November 14, 2014 - Written by Editor

pic005Qardho:-Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay  Qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Isimo, Nabadoono, Culimo, Aqoon yahano Ganacsato Maamulka Gobolka iyo kan Degmada, Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika  iyo Boqor ka 34aad eeb Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa lagu qabtay magaalada Qardho.

Madashan ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo horumarin lahaa loona tayayn lahaa jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Qardho waxaana Madasha furay guddoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Hogaamo oo u mahad celiyay dhamaan ka  soo qaybgalayaasha Kulanka.

Intaa kadib waxaa shirka ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda  Bariga afrika faraca magaalada Qardho Sh. Cali Maxamed Cali oo halkaa ka soo jeediyay warbixin dheer oo ka hadlaysa aasaaskii jaamacadda ilaa heerka maanta ay joogto jaamacadda,  gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in jaamacadan la furay sanadkii 2010 ayna asaaseen rag ay ka mid yihiin Zakariye Maxamuud Ciise, Sh. C/qani Qardhaawi, Yuusuf Maxamuud Ciise, Pro. Axmed Barre iyo gudoomiyaha waxbarashada gobolka Bashiir Axmed gaala eri, ujeedkooduna uu ahaa sidii magaalada ay u yeelan lahayd jaamacad, sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxa uu ka warbixiyay qaybaha ay ka koobantahay jaamacada wuxuuna sheegay inay ka kooban tahay afar kuliyadood oo kala ah:-

1. Kuliyada maamulka iyo maaraynta

2. Kuliyada shareecada iyo Daraasaadka Islaamka

3. Kuliyada Computer science ka

4. Kuliyada Horumarinta Bulshada (Community Development)

sidoo kale waxa uu sheegay in jaamacadu ay bixiso koorsooyin Diplomooyin kala

1. Kalkaalisinimada (Nursing),
2.  Luqadaha
3. Shareecada

Ugu dambayntii waxa uu ka warbixiyay Miisaaniyada jaamacada sanadwalba iyo inta shaqaale ee ka howlgasha jaamacada haday ahaan lahaayeen maamulka macalimiinta iyo shaqaalaha kale iyo inta arday ee dhigata qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacada.

Waxaa sidoo kale shirkan ka hadlay qurba joogta ka soo jeeda gobolka karkaar ee ku sugan magaalada ganacsato iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood taageeray ujeedka shirkan balan qaadayna inay marwalba la garab taaganyihiin jaamacadda maal iyo maskaxba.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kulankan lagu taageerayo jaamacada iyo dhamaan kulamada lagu taageerayo horumarka dalka waxaa uuna sheegay boqorku inuu sidoo kale goob joog ahaa waagii la furayay lana dhagax dhigayay jaamacada bariga afrika Boosaaso hadana uu maqlayo in jaamacada Bariga afrika Faraceeda Qardho magaca laga bedelayo ama ay ka madax banaanaato guud ahaan Jaamacada Bariga afrika oo dhan loona bixiyo magac gaar ah, boqorka ayaana sheegay inuu ixtiraamayo fikirka dadka qaba in bariga afrika laga madaxbanaanaado oo magac kale lala baxo laakiin waqtigan aysan haboonayn in jaamacad heerkaas maraysa oo Puntland oo dhan faracyo ku leh oo shahaado la aqoonsanyahay leh in laga go’o oo magac kale hada la raadiyo waxaana  adkeeyey in ay muhiim tahay in dhamaan jaamacadaha lagarab istaago lagana qaybqaato horumarkooda, wuxuu si gaar ah ula hadlay aqoonyahanada ka imaanaysa dalka dibdiisa ama (qurbojoogta wadanka kusoo laabanaysa)  isla markaana wadanka mudo joogaysa inay casharo ka bixiyaan Jaamacadda aqoontoodana ay uga faa’ideeyaan bulshadooda.

Gabgabadii shirkan ayaa waxaa la isla meel dhigay in jaamacada Qardho lacago looga aruuriyo dal iyo dibadba horumarin teedana ay ka qaybqaataan dhamaan bulshada ku nool magaalada Qardho iyo jaaliyada ka soo jeeda gobolka karkaar.

no images were found

Daauud Maxamed Xasan (Daauud Giirow)

Qardho Puntland Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online