Shirka Hiigsiga Cusub oo dhacay Garoonka Aden Cadde magaalada Muqdisho(Masawiro)
November 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxda DFS ayaa maanta waxay si wada jir ah uga qeyb galeen shir looga hadlayey arrimaha Hiigsiga cusub kaas oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana ka qeyb galay shirka xubno ka kala socda beesha caalamka.
Madaweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka waxaana uu sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan doorka taageeridda joogtada ah ee beesha caalamka siiso wuxuuna xusay in dowladaha saaxiibka la ah DFS ay lacag ugu yabooheen Soomaaliya ay soo gaartay 8 bilyan oo Yuuro.
Shirka saaka ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu gogol xaar u yahay shirka ka dhici doona magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.
.
Shirka Hiigsiga Cusub ayaa waxaa si wada jir ah uga qeyb galay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, QM , Midowga Yurub iyo Mas’uul ka socda IGAD.
Shirka Hiigsiga Cusub ayaa waxaa looga hadlay wixii u qabsoomay Dowlada Soomaaliya waxaan halkaas khudbad ka jeediyey Raisulwasaaraha DFS Cabdi weli Sh Maxamed
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay wax badan qabatay, wuxuuna amaanay golahiisa wasiirada oo uu sheegay in ay wax badan qabteen gaar ahaan dhanka amaanka ,dhismaha maamulada gobolada.
no images were found
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa isaga khudbad ka jeediyey shirka hiigsiga cusub wuxuuna sheegay in ay soo dhaweynayaan horumarka ay sameesay DFS wuxuuna ugu baaqay madaxada DFS in ay dhameeyaan aragti kala duwanaanshaha iyo khilaafka ka jira dhexdooda ka hor shirka ka dhici doona magaalada Copenhagen .
A/Cawale
Halgan.net