Taliye ku-xigeenka waaxda dambi-barista ee CID-da DFS oo lagu dilay Muqdisho
November 20, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta lagu dilay magaalada Muqdisho Taliye ku-xigeenka waaxda dambi-barista ee CID-da ee DFS G/ Sare Maxamed Cabdi .
Taliye ku-xigeenka waaxda dambi-barista ee CID-da DFS ayaa waxaa lagu dilay xaafada Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaana toogtay koox ku hubeysan qoryaha fudud iyaga oo dilka ka dib goobta isaga baxsaday.
Ciidanka DFS ayaa goobta soo gaaaray dilka ka dib waxaana ay howlgalo ka sameeyeen xaafada Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dilal kala duwan oo ujeedo badan ah kuwaas oo lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyahanada ,saraakiisha ciidankii hore ee dowlada dhexe ee tababarnaa.
Dilalka qaar ayaa waxaa fuliya kooxda Al-Shabaab iyo kooxo aan la aqoon oo u shaqeeya dowladaha cadowga ku ah dalka Soomaaliya ee aan marna raali ka ahayn in ay Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto.
A/Cawale
Halgan.net