Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (C/Buurte) oo Tacsi ka diray Geeridii ku timid Ugaas Axmed Ugaas
November 10, 2014 - Written by EditorDubai:-Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (C/Buurte) ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga diraya qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Salaadiinta Soomaaliyeed, iyo umadda soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, wuxuna marxuumka alle uga baryay in uu jannadiisa ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Ugaaska Ayaa yiri ”Marxuumka waan aqaanay waana soo wada shaqaynay waxaa uu ahaa nin xabiib ah dhibta neceb isla markaana ku wanaagsanaa go,aan qaadashada . Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ahaa ugaaskii guud ee Beesha Leelkase oo ku geeriyooday degmada Goldogob.
Ugaasku wuxuu ka mid ahaa dadka aad looga qadariyo gobalka saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka dagan gobalka iyo dhamaan umada soomaaliyeed “.
Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali ayaa k amid ahaa ugaasyada caanka ah ee gobolka Mudug, isagoo siweyn uga dhax muuqday xal uraadinta dalka Somalia, waxaana ku xasuustaa ka qayb galkii Shirarkii lagu dhisay Dowladda Puntland iyo talooyinkii uu ka bixiyay oo aan goob joog ahaa iyo sidoo kale Shirarkii dib-u-heshisiiinta ee lagu soo unkay dowladihii kala danbeeyay ee dalka soo maray.
Ugu danbayn Anigoo Ah Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (Cabdi Buurte) In badan na aan soo wada shaqaynay Marxuumka waxaan leeyahay Eebe Janadii haka Waraabiyo Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood)
INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN