Wafdi culimo ah oo booqasho ku yimid dalka Koonfur Afrika.[Masawiro]

November 19, 2014 - Written by Editor

muhim11Johannesburg:-Wafdi culima,udiin ah oo ka yimid dalka Tanzaaniya ayaa waxa ay mudadaanba ku joogeen booqasha dacwadeed dalkan Koofur afrika, wafdiga oo uu hogaaminayay Sh.c/qaadir Maxamed Shariif (al-ahdal) oo ah gudoomiyaha markazka al-xikmah oo ka dhisan Tanzaaniya, markazka al-xikmah oo mas,uul ka ah 43 masjid iyo 90 madaraso dalka tanzaaniya, waxaa wafdiga Sheekh c/qaadir ku wehliyay culimo ay ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Cismaan Muuse Sheekh Axmed Dheere, Sheekh Zaki Axmed Jumcaan iyo ducaad kale.

Wafdigaan oo ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Johannesburg maalintii khamiista ay bisha ahayd 06/11/2014ka, ayaa waxaa soo dhaweeyay mas,uuliyiin ka tirsan majliska dacwada ee al-bayaan, culimada intii ay joogeen Koofur afrika ayaa waxaa ay ka qayb qaateen oo ay soo jeediyeen

1: Muxaadaraad

2: Khudbooyin jimce

3: Kulamo ducaada ah

4: Kulamo caam ah

5: Booqashooyin maraakizta dacwada

Sheekh c/qaadir oo ah madaxa wafdiga ayaa waxaa uu ka galay labo muxaadaro masjidka imaamu shaafici ee Johannesburg iyo masjidka imaamu bukhaari ee Pretoria, waxaa kale oo uu sheekha aqriyay labo khudbo jimce labada magaalaba labada masjid ee aan soo sheegnay.

Wafdiga culimada ayaa waxay la yeesheen kulan rasmi ah aasaasayaasha majliska al-bayaan kulankaa oo si wayn loogu lafa guray dacwada labada wadan iyo sidii ay labada hay,adood ay isu kaashan lahaayeen, waxaa kale oo ay wafdiga culimada la kulmeen ducaada magaalada iyo qaar ka mid ah jaaliyada soomaalida ee Koofur afrika, wafdiga oo isugu jiray rag somaali Tanzaainiyaan ah iyo rag kale oo tanzaaniyaan ah, sheekh c/qaadir oo ahaa hogaamiyaha wafdiga ahna mas,uulka markazka al-xikmah ayaa ah sheekh asal ahaan ka soo jeedo soomaali.

Waxayna wafdiga uga warameen ducaadii iyo dadkii ay la kulmeenba dacwada balaaran ee ay hayaan iyo sidda uu markazka maalin kaste u sii balaaranaayo, waxayna aad ugu farxeen culimada sidda wayn ee koofur afrika loogu soo dhaweeyay iyo sidda ay dad waynaha ugu faa,iidaysteen duruustii caamka ahayd ay culimada galeen iyo kuwii gaarka ahaaba.

Waa markii ugu horaysay ee culimada ka tirsan markazka xikmah ee Tanzania oo ka mid ah maraakista ugu waawayn dacwada dalkaasi ay booqasho dacwi ah oo rasmi ah ay ku yimaadaan dalkan, inkastoo labo jeer oo hore uu sheekh c/qaadir oo ah gudoomiyaha markazka uu soo gaaray dalkan Koofur afrika.

Ugu danbaystii wafdiga culimada ayaa ka ambabaxay koofur afrika maalintii sabtiga ahayd 15/ 11/ 2014 ka dib markii ay joogeen 10 casho oo ahaa safar dacwi ah oo rasmi ahaa oo aad u qiima badnaa, waxaana ku sii dhaweeyay garoonka magaalada Johannesburg culimada iyo ducaada ka tirsan al-bayaan, iyo qaybaha kala duwan ee jaaliyada soomaalida ee koofur afrika.

no images were found

WAXAA DIYAARIYAY MAXAMED AADAN ABDILE

GUDOOMIYAHA GUDIGA DACWADA EE GAUTENG

EE MAJLISKA ALBAYAAN- JOHANNEBURG

 

Leave a comment

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online