Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku Aaddan Dhisidda Maamulka Koonfur Galbeed

November 17, 2014 - Written by Editor

JawaariMuqdisho:-Annagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya 9kii bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayadoo qaadashada go’aankaasina uu ka dambeeyey tixgelinta cabashooyinka kasoo yeeraya Odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,bulshada rayidka iyo ergooyinka weli dibadda ka jooga howlaha geedi socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Iyadoo sidoo kale la ogsoon yahay go’aankii Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ee soo baxay 01-11-2014 oo cadeynayey in aanan la qaban karin doorasho inta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hubineyso iney si buuxda uga wada qeyb qaataan qeybaha bulshada ka go’aan gaarista masiirka iyo maamul u dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Hadaba ayadoo la xeerinayo qodobbadan kor ku xusan waxaa halkan looga digayaa guddiga iyo ergada shirka maamul dhisidda Koonfur Galbeed iney ku kicin wax carqalad ku keeni kara habsami u socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale go’aammo dhalin kara carqalad,xasilooni darro iyo dib u dhac baaxad weyn oo ku yimaada xaqiijinta himilada dhismaha maamul loo wada dhan yahay.

Ugu dambeyn waxaan halkaan ku cadeynayaa natiijo kasta oo khilaafsan go’aannada Dowladda ee kor ku xusan ineysan Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsan doonin ayadoo taasina ay xad gudub ku noqoneyso Dastuurka Dalka qodobkiisa 48aad,farqada 2aad ee siineysa Xukuumadda Federaalka awoodda hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka,mas’uuliyadda wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana ay qaadi doonaan cidii ku xad gudubta go’aammada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online