Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo la Kulmay Madaxweynaha Yemen (Masawiro).
November 27, 2014 - Written by EditorSanaa:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo soo gaba-gabeeyay socdaalkii shaqo ee uu ku joogay Magaalada Sanaa ayaa waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Yemen H.E. Abd Rabbuh Mansur Hadi oo uu gudoonsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud.
Madaxweynaha Yemen Abdi Rabbuh waxa uu sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay Soomaaliya si loo soo celiyo dowladnimadiisa iyo hey’adihiisa si dhameystiran , taasoo Shacabka Soomaaliyeed gaarsiin karta nolol barwaaqa ah iyo horumar .
Kulankani oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Yemen , ayaa labada dhinac waxa ay is tuseen Xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya oo ah mid aad u fog , saldhiggiisuna yahay isdhaafsiga ganacsiga .
Madaxweyne Mansur Hadi , waxa uu carabaabay in dhaqaale xumo baahsan uu heysto dalkiisa iyo dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin dagaalo sokeeye oo walwal leh ay dib u dhigeen , isagoo xusay in dhibtaasi ay horseeday in burcad badeed ay ka dilaacdo xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed oo dhabarka ka jabiyay dhaq- dhaqaaqa ganacsiga iyo ammaanka badda cas iyo badda carbeed .
Madaxweynaha Yemen ayaa xusay muhiimadda ay leedahay agaasimidda qorshe ammaan oo lagula dagaalamo argagaxisada isaga kala tallaabeysa soohdinada iyo qaaradaha si loo abuuro deganaansho iyo ammaan .
no images were found
Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa kaga mahadceliyay martisooridda iyo soo dhoweynta wacan ee uu kala kulmay dowladda Yemen , isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii ay u geysteen dagaalada sokeeye iyo weerarada argagaxisada , waxa uu yiri “ Soomaaliya waxa ay xilligan dooneysaa inay ka faa’ideysato kheyraadka dhulkeeda iyo baddeeda si ay u hiigsato horumar iyo kobac dhaqaale”.
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations