Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Yemen.[Masawiro]
November 26, 2014 - Written by EditorSanaa:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda dalka Yemen Ra’iisul wasaaraha dalkaasi H.E. Khaled Mahfud Bahah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha qaxootiga iyo iskaashiga walaalnimo ee u dhaxeeya labada shacab.
Wasiir Beileh , waxa uu kala hadlay Ra’iisul wasaaraha Yemen , kordhinta deeqaha waxbarasho ee la siiyo ardayda Soomaalida iyo xoojinta dadaalada lagu cirib-tirayo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda ee dalalka Soomaaliya iyo Yemen dhibaatooyin ba’an u kala geystay.
Ra’iisul wasaaraha Yemen H.E. Khaled Bahah ayaa muujiyay xushmadda uu u hayo mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay u saldhigidda amniga , nabadgelyada iyo ilaalinta midnimada Yemen .
Khaled Bahah waxa uu taageeray geedi socodka nabadda iyo federaaleynta ee ka soconaya dalka Soomaaliya , isagoo rajeeyay in guul uu ku dhammaado hiigsiga cusub ee 2006 ee Soomaaliya u qorsheysan .
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu booqaday Rugta Ganacsiga Yemen iyo Xarun goboleedka isdhaafsiga macluumaadka badda, waxa uu sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Kaluumeysiga H.E. Fahd Salem Kefayen.
no images were found
.Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations