Wasiirka arrimaha Gudaha ee DFS waxaa ka codsanay Ra’iisul wasaaraha is casilaad.[Dhagayso]
November 17, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya C/llahi Goodax Barre oo ka mid ah Wasiiradda Taageersan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud aya waraysi uu siiyey Idaacadda VOA waxaa uus sheegay in ay a codsadeen ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh in uu is casilo.
Wasiirka arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa waraysigiisa ku sheegay in qoraalka is casilaada ay u gudbiyeen Ra’iisul wasaaraha DFS ay saxiixeen ilaa 14 ka mid ah Golaha wasiirradda Dowladda Federeaala ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay go’aankan ay qaateen markii ay arkeen marxaladda siyaasadda dalku ay mareyso, isla markaana Ra’isul wasaaraha uu yahay midka fududeyn kara xal u heliida mushkiladda taagan.
Dhnac kale Wasiirka arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa kalsooni daro ka muujiyey gudoonka baarlamaanka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo in ay u laaban tahay lug marka la eego qaabka ay u maaraynayeen mooshinkii laga keenay ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhagayso Wasiirka arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/tbtdpokp8h/goodaxbarre.mp3]
A/cawaale
Halgan.net