Xafladda furitaanka Markaska Al-Taqwa magaalada Aarhus ee caasimadda labaad ee dalka Denmark.(Daawo)

November 17, 2014 - Written by Editor

1Aarhus:-Waxaa markay taariikhdu ahayd 1da bisha November 2014 xariga laga gooyey markiskii ugu horeeyey uguna waynaa ee ay yeeshaan jaaliyaadda soomaliyeed ee ku dhaqan magaalada Aarhus ee caasimadda labaad ee dalka Denmark.

Xafladda furitaanka Markaska oo ahayd mid loo soo agaasimay si aad u heer saraysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad ufaro badan oo ka kala yimid magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo magaalooyinka ku hareeraysan magaalada aarhus.

Waxaa kale oo iyaguna si mug leh uga soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada soomaliyeed ee reer Aarhus, sida dhalinyarada, odayaasha, dumarka iyo waxgaradka ku dhaqan magaaladaas.

Waxaa kale oo kasoo qayb galay culimo ka kala yimid dunida dacaladeeda. Culimadaan ayaa waxaa kamid ahaa kuwan:

  • Sheikh Dr. Cabdiridaaq maxamud Takar oo ka yimid magaalada London ee cariga ingisiiska
  • Sheikh Maxamed Weheliye oo kayimid dalka Australia
  • Sheikh Xaamud Ibraahim oo ka yimid dalka Sweden
  • Shiekh Cabdiraxmaan Abyad Copenhagen

Xafladdaan furitaanka markaska ayaa sidoo kale waxaa sitoos ah skype –ka loogu soo xiray:

  • Fadiilatu Sheikh Maxamed Cabdi Uma oo Jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
  • Fadiilatu Sheikh Maxamed Idiriis Axmed oo jooga Dalka Maraykanka

Culimadaan ka soo qayb gashay furitaanka ayaa waxay soo jeediyeen muxaadaraad kookooban oo taabanaya ahmiyadda ay uleedahay bulshada maraakista noocan oo kale ah iyo weliba duco iyo uhanbalyeyn bulshada ku dhaqan magaalada Aarhus iyo weliba dadkii isu taagey iibinta iyo hirgelinta markaskaan.

Waxaan halkaas iyaguna hadalo isugu jira wacyigelin, hambalyeyn iyo waano ka soo jeediyey odayaasha magaalada reer Aarhus oo ay ka mid ahaayeen kuwan:

  • Odey -Cali Weheliye
  • Ugaas- Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Ugaas Qani
  • Odey- Ibraahim Salaad Nadiif
  • Odey -Daahir Cali Cigaal
  • Oday- Cabdirisaaq Xirsi Carab( Caweer)

Cuqaashan ayaa waxay aad diiradda usaareen isku duubnida iyo wada shaqaynta jaaliyadda reer Aarhus iyo siddii ay ku gaarilahaayeen horumar,waxayna u mahad celiyeen maamulka markiska iyo shaqadaan baaxada leh dadkii soo qabtay una istaagay inay bulshada Soomaaliyeed markiz baahidooda daboola inay u fureen kuna tala jiraan inay sii balaarinyaan.

no images were found

Waxaa kale ee lagu soo bandhigay xafladdaan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo garay iibka iyo hirgelinta markaskan oo ay si xirfadeysan usoo bandhigeen guddiga Markiska.

Waxay kale oo soo bandhigeen sidii uu ushaqayn lahaa iyo baahiyihii uu ka daboolilahaa bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Aarhus.

Waxaa sidoo kale faahfaain laga bixiyey, sida casriyeysan ee loo hirgaliyey markiskaan oo ka kooban qaybahaan kala duwan:

  • Musale aad uweyn oo dumarku leeyihiin
  • Musalle aad uweyn oo ragu leeyahay
  • 4 musqulood iyo meel wayso oo ay raggu leeyihiin
  • 4 musqolood iyo meel wayso oo ay dumarku leeyihiin.
  • Maqqaxi weyn oo markasku leeyahay
  • Maqaaxi yar oo ugaar ah dumarka
  • 2 fasal oo gabdhaha yaryar leeyihiin
  • 5 fasal oo dhalinta iyo wiilasha yaryar leeyihiin
  • 3 xafiis oo ay leeyihiin maamulka Markisku.

Isu gaynta masaaxadda (baaxadda) markiska ayaa wuxuu noqonayaa 1500m2.

Markaskan ayaa leh meelo caruurtu ku ciyaarikarto oo uxiran iyo sidookale meelaha baabuurta la dhigan karo.

Waxaa sidookale shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey xafladdaan xubnihii ugu firfircoonaa ee ka qayb qaatay hirgelinta markaskaan oo ay ka mid ahaayeen:

  • Axmed Ibraahim Maxamed
  • Axmed maxamud Ismaciil
  • Cabdulqaadir Cilmi jamac (Jarato)
  • Maxamed cilmi Shabeel

 

Isku soo duuduuboo xafladdaan ayaa waxaay socotey maalintii sabtiga oo dhan kuna soo gabagebowdey guul iyo wanaag. Maalintasina waxay uahayd maalinwayn oo farxadeed jaaliyadda magaaladda Aarhus iyo intii kale oo khayrka jecelba.

Waxaan allah ka baryeynaa inuu ka dhigo markaskaan kii wax utarilahaa ummadda soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Aarhus iyo nawaaxigeeda.

Hoos ka Daawo Xaflada Furitaanka Markazka Al-Taqwa ee magaaalaada  Aarhus ee caasimadda labaad ee dalka Denmark.
Abdirizaaq Sanweyne
Aarhus Danmark

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online