Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka Ra’iisul wasaare Cabdi weli oo shiray.[Masawiro]

November 16, 2014 - Written by Editor

IMG_2662Muqdisho:-Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka soo horjeeda Mooshinkii dhawaan ay guddoonka u gudbiyeen qaar kamid ah Xuldhibaanada Baarlamanka ayaa soo saaray bayaan ka kooban afar qodob oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan Hay’addaha dowladda, dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Mooshinku.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim ayaa Saxaafadda u akhriyay bayaanka wuxuuna tilmaamay baaqan in ay soo saareen kaddib markii ay isugu yimaadeen kulan ballaaran oo uga arrin sanayeen xaaladda uu dalku marayo iyo sida loo badbaadin karo qaranka.

In xaaladda dalka ee Siyaasddu tahay mid cakiran, taasina waxaa sabab  u ah mooshinka sharci darrada ah ee Xukuumadda laga keenay. In Xukuumadda howshii ay haysay ee loo idmaday ay dar-dar galiso, lagana dhaafo faro-gelinta.
Baarlamaanka waxaa horyaala kalfadhigga 5aad shaqo culus oo ah in la meel mariyo hindise sharciyeedyo, lana dhiso guddigii madaxa banaanaa ee lagu xaqiijin lahaa hiigsiga 2016, taas oo lagu gaaro karo wada shaqayn iyo isfaham dhex mara Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Ugu danbeyn, halku dhiggeenu waa bad-baadinta Qaranka, ilaalinta Dastuurka KMG ah iyo himillada ummada xaqiijintooda.

no images were found

Ahmed Mohamed
Muqdisho,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online