Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka xukuumada oo jeexjeexay waraaqaha xaadirinta xubnaha Baarlamaanka
November 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-War haatan naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay Xukuumada Raisulwasaare Cabdi weli Sh Axmed ay laba jeer jeexjeexeen waraaqihii diiwaan gelinta xildhibaanada golaha Baarlamaanka DFS.
Buuq iyo fowdo ayaa laga soo soo sheegayaa gudaha baarlamaanka DFS waxaa kale oo ay xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka ay jeexjeexeen sidoo kale nuqullo ka mid ah mooshinka looga soo horjeedo xukuumada oo xildhibaan walba la siiyey markuu soo galayey baarlamaanka DFS .
Saxaafada aya haatan waxaa loo saaray banaanka waxaana gudaha golaha baarlamaanka ku sugan ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo sugaya amaanka balse aan wili wax talaabo ah ka qaadin xildhibaanada iska soo horjeeda ee buuqaya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ilaa haatan soo xaadin kalfadhiga baarlamaanka DFS waxaana la sugayaa in uu mardhow soo galo gudaha baarlamaanka .
Ilaa haatan lama ogaan karo halk ay ku danbeyn doonto xaalada iyo jahwareerka ka jira golaha baarlamaanka DFS oo ay xildhibaanadiisa u kala jabeen laba garab oo kala taageersan Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha DFS Cabdi weli Sh Axmed.
A/Cawale
Halgan.net