Agaasimaha iyo Tifaftiraha Idaacada Risaala oo xabsiga la sii daayey
January 8, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka amaanka ee DFS ayaa waxaa ay maanta xabsiga ka sii daayeen Agaasimaha Idaacada Risaala Maxamed C/wahaab iyo Tifaftiraha Idaacada Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar waxaana ay ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir u xirnaayeen mudo 5 maalin ah.
Waxaa wili ku xiran xabsiga Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir wariye kale oo ka tirsan Idaacada Risaala oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi oo ahaa wariyihii sii daayey in cudurka Ebola laga helay gobalka Sh Hoose.
Wasaarada Caafimaadka ee DFS ayaa si adag u beenisay in cudurka Ebola laga helay Soomaaliya waxaana ay ku tilmaamatay warka ay faafisay Idaacada Risaala mid been ah oo sal iyo raad toona lahayn.
Tifaftiraha Idaacada Risaala Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo la hadlay saxaafada markii xabsiga laga sii daayey ayaa wuxuu sheegay in intii ay xirnaayeen aan wax dhibaato ah loo geystan xaaladoodana ay wanaagsan tahay.
A/Cawale
Halgan.net