Al-Qaacidada Yemen oo Sheegatay Weerarkii lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo (Dhageyso)
January 10, 2015 - Written by EditorYemen:- Waxaa saaka lagu faafiyey Mareegaha taageera Al-Qacida gaar ahaan مؤسسة “الملاحم” cod uu leeyahay mid ka mid ah hogaamiyaha Al-Qacida ee Yemen una qaabilsan dhanka Sharciga oo magaciisa la yiraaho الشيخ حارث النظاري wuxuuna si rasmi ah u sheegay in ay iyaga masuul ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday xarunta wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa magaalada Paris.
الشيخ حارث النظاري ayaa waxaa uu u goodiyey dowlada Faransiiska wuxuuna ku sifeeyey cadowga koowaad ee Islaamka wuxuuna sheegay in Wargeyska Charlie Hebdo ay sawiro lagu aflagaadeynayo nabigeena Maxamed CSW ay faafiyeen
الشيخ حارث النظاري ayaa dhanka kale amaanay labada nin ee weerarka ku qaaday xarunta Wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris.
Tv Al-Jazeera ayaa sidoo kale Faafiyey codka الشيخ حارث النظاري isaga oo soo xiganaya مؤسسة “الملاحم”
Hoos ka Dhageyso Al-Qacida Yemen oo sheegtay weerarka lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo oo ay ku dhinteen 12 qof.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net