Anigu gaal maahi ee kursigaa Gaal ah! (Qeybta 1aad) W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad
January 2, 2015 - Written by EditorMarkii la doortay madaxweyne Shariif oo dadka qaarki ay GAAL ku sheegeen ayaa arrintaas la weydiiyey C/laahi Yusuf oo isaga laftiisa horay loo gaalaysiiyey, wuxuuna ku jawaabay: anigu gaal maahi ee kursigaa gaal ah. Wuxuu u jeedaa hadba ninkii kursigaas ku fariista ayaa gaal noqonaya.
Muddo dheer baa dad aan mudnayn horseed siyaasadeed u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana bulshadu u hanqaltaagaysey maalinta aqoonyahan daacad u ah hoggaanka u qaban doono oo ay haakah oran doonto.
Way dhacday in marxalado kala duwan aqoonyahan hoggaanka siyaasadeed ee dalka qabteen, sida: madaxweyne C/qaasim iyo R/wasaare Galaydh, madaxweyne Shariif iyo Koox Raysal wasaareyaal ah oo wada aqoonyahan ah, ka dibna madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaareyaal aqoonyahan ah. Intaasba waxaa weheliyey tiro badan oo aqoonyahan ah oo isugu jirey xildhibaano, wasiiro iyo hawlwadeeno kale.
Hadday dadkaas taladii iyo hoggaankii dadka iyo dalka qabteen waxaa caado u noqday inay sidii raggii ka horreeyey isu qabqab sadaan oo ay loolanka dhexdooda ah kaga mashquulaan xilkii iyo shaqadii ay ummadda u hayeen, ayna kala qaybshaan dadkay madaxda u ahaayeen, iskana horkeenaan, isla markaasna laga sheegto badanka eedihii laga sheegan jirey qabqablayaasha.
Haddaba su’aashu waxay tahay aqoonyahanadii ikhyaarta wada ahaa intaysan xilkaan qaban ee in badan oo ka mid ah wadaadada ahaayeen maxaa kala mid dhigay baarlamaankii iyo xukuumadii Empaghati ee lugu magacaabi jirey qabqablayaal iyo dagaal oogayaal?.
Ma laga yaabaa in meesha (madaxnimada) ay taal balaayo inaga qarsoon oo ninkii soo galaba dafaysa ama marinhabaabinaysa?. Si kale haddii loo yiraahdo Malaga yaabaa inay rumowday oraahdii madaxweyne C/laahi Yusuf ee ahayd: ANIGU GAAL MAAHI EE KURSIGAA GAAL AH oo aan hadda ula jeedno dadku ma wada xuma ee ninkii kursiga ku fariista ayaa xumaanaya. Haddii aan meesha balaayo qarsooni ku jirin maxay kale oo noqon kartaa?, bal aynu qaybta labaad ku eegno ee la soco.
W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad