Ardayd Mac-hadka Khadiija ee Laascaanood oo u fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe
January 5, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Ardayda wax ka barata Machadka Diiniga ee Khadiija bintu Khuwaylad ee Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa u fadhiistay Imtixaankii (Teeramka dhexe) ee sandka 2014-2015. dugsyeedka
Tirada ardayda u fadhiistay Imtixaanka ayaa ah 600 oo arday wax ka Badan oo wiilal iyo habalo iyo Xadaano iskugu jira. Machadkan oo ay ay wax ka bartaan Boqollaal arday ayaa isugu jira Wiilal iyo Hablo, iyado ardayd Saddexda galin ee gelinka hore , ka dhexe iyo ka danbeba ay dhamaantood si siman uu u wada galay Imtixaanka.
Maamulaha Machadka Khadiija Sheekh Xuseen Macalin Ibraahim ayaa ka waramay Xaalada Imtixaan ee ay Maanta u bilaabeen Machadka Khadiija, Maamuluhu wuxuu sheegey in si habsami ah uu ugu bilaabmay Imtixaanka Jawi degan uu ku socdo Imtixaankuna waxaa uu socon doono 2-da Todobaad ee soo socda.
Machadkani waxaa Laascaanood laga furay Sanadkii 2006 , iyadoo ay ka qayb qaateen Dhismihiisa Hooyooyinka Gobolkka Sool , Waxaana Fikradii aas aaska iska lahaa Sh Maxamed Idiris oo Hada ku Nool Wadanka Maraykanka , iyadoo uu Machadku Soo Saaray Boqolaal Arday oo isugu jira Wiilal iyo Hablo.
no images were found
Mawliid Ismaaciil Haradigeed
Laascaanood , Somalia