Ardayda Jaamacada Bariga Africa ee Buuhoodle oo u fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe[Masawiro/Video]

January 6, 2015 - Written by Editor

DSC02002Buuhoodle:-Ardayda waxa ka barata Jaamacadda Bariga Africa  ee xarunteeda Buuhoodle oo u fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe Xarunteeda magaalada Buuhoodle ee Gobolka Ceyn ayaa u fadhiistay Imtixaankii Teerama dhexe ee Sand Dugsiyeedka 2014-2015.

Jaamacadan oo ay wax ka bartaan Arday aad u badan oo isugu jira qaybaha kale duwan ee bulshada Magaalada Buuhoodle ayaa imtixaankan maalimihii la soo dhaafay si weyn ugu Diyaar garoobayey ayaa maanta u fadhiistay iyadoo maanta Jawi ahaa mid degn oo aad u qurux badan.

Maamulaha Jaamacada Bariga Africa Prof.Sheekh. Cabdi Shaafi Axmed Cali ayaa ka waramay Jawiga Imtixaanka iyo xaalada waxbarsho ee Jaamacada Bariga Africa.

Jaamacadu waa Jaamacad heer Caalami , Waxay u taagan tahay inay Bulshada ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ka haqab tirto aqoonta heer sare , horumarka Bulshada, soo saarista Haldoorkii Bulshada
ee Mustaqbalka , Anaga oo ardayda u diyaarina Aqoon hufan oo Jaamacada u diyaarisay Ardaydeeda waxaanu bulshada u balan qaadnay inaanu si hagar la’aan ah wax u barno’ ayuu yidhi Gudoomiye Prof. C/Shaafi Axmed Cali .

Dhamaan Kuliyadaha Jaamacadu ka kooban tahay ayaa si habsami ah u bilaabmay Imtixaan kooda Nus Sanadeedka (Teeramka Dhexe) iyadoo Ardaydu Imtixaanku u socon doonaa Ilaa 14-ka Bishaan January ee aynu ku jirno ayuu ku soo gabagabeeyey Gudoomiyuhu.

Dhinaca Kale Waxaa Jaamacada soo Booqday maanta Qaar ka mida Qurba Joogta Gobolka Cayn ee ku dhaqan Qaarada North America , Xubnahaan oo Booday Xarrunta Jaamacada Bariga Africa ayaa Indhadheeyey Xaalada Waxbarasho ee Jaamacada Bariga Africa iyo Ardayda Wax ka barta .

Xubnahaan oo ay ka mida ahaayeen Jaamaca Xassan Cabdi , iyo Jaamac Cabdi Ismaaciil , Xubnahan oo la hadlay Ardayda wax ka barata Jaamacada ayaa uga waramay miisaanka Qiimaha ay u leeyihiin Bulshada maanta iyo Mustaqbalka, iyagoo ku dhiir geliyay inay sii wadaan dedaalkooda ay Wadaan .

Ugu Danbeyntii wuxuu Jaamac Cabdi Ismaaciil Deeq Qiimo badan ugu deeqey Dhismaha Jaamacada Bariga Africa oo Qaybo ka mid ah Jaamacada ay Qabyo tahay Jaamacada Bariga Africa ayaa Magaalada Buuhoode laga furay Sanadkii 2012 Waxaa ay Jaamacadu ku soo kordhisay Gobolka Cayn Horumar badan.

no images were found

Hoos ka Daawo Ardayda Jaamacada Bariga Africa Xarunteeda Buuhoodle oo u fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe

Mawliid Ismaaciil Digeed
Buuhoodle G Cayn Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online