Baahida Aminga iyo deganaashaha Qofka Sh Dr Cali Maxamed Saalax.[Video]
January 20, 2015 - Written by EditorCape-Town:-Waxaa maanta idiin soo gudbinaynaa mid ka mid ah muxaadaradkii ka baxay mutamarkii Islaamiga ahaa ee lagu qabtay wadanka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Cape-Town, Mutamar kaas oo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah culimada soomaaliyeed oo ka kala yimid dunida daafaheed kale duwan.
Muxaadarada aan maanta idiin soo gudbin doona ayaa waxaa jeediyey Sh.Dr Cali Maxamed Saalax oo ka mid ahaa culimadii ka qayb gashay Mutamarka Koonfur Afrika waxaan uu sheekhu uu muxaadardiisa ugu magacdaray ”Baahida Aminga iyo deganaashaha Qofka.”
no images were found
Muxaadarada Sheekh oo aad u qiimo badnayd ayaa waxaa uu Sheekhu dadkii dhagaysanayey uu dhinacyo badan ka tusay Ahmiyadda uu amnigu u leeyahay deganaashaha Qofka ama bulshada oo dhan.
Mutamarkan Islaamiga ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Majliska Al-Bayaan ee dalka Koonfur Afrika waxaana sanadkan ka qeyb galay Mutamarka culumada kala ahaa .
1. Sheekh Maxamuud Shibli (Kenya)
2. Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax (Norway)
3. Sheekh Dr.Maxamuud C/raxmaan Hoori (UK)
4. Sheekh Axmed Maxamuud (Axmed yare) (Somalia)
5. Sheekh Saciid Raage (Canada)
6. Sheekh Cabdullaahi Ibraahim (South Africa)
7. Sheekh Cabdinaasir Cusmaan (South Africa)
Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray qaar ka mid ah muxaadaraadkii ay culimadu ka jeediyey mutamarka Islaamiga ee Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Cape-Town haddii alle idmo waan idiin soo gudbin doonaa iyagoo ah maqal iyo Muuqaal.
Hoos ka Daawo muxaadaradii Sh Dr Cal Maxamed Saalax ” Sidee ayuu qofka nolashiisa u bedeli karaa.”
Maamulka Halgan.net