Baarlamaanka DFS oo maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda DFS

January 31, 2015 - Written by Editor

xildhibanMuqdisho:-Baarlamaanka DFS ayaa waxaa maanta la filayaa in uu codka kalsoonida u qaado Xukuumadda DFS ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke .

Golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 20-Wasiir oo aan ku jirin Wasiiro ay aad isigu dhawaayeen Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud .

Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Baarlamaanka DFS isaga oo soo bandhigi doona barnaamijka xukuumadiisa ka dibna waxaa ka doodi doona xildhibaanada DFS waxaana intaas ka dib ay cod u qaadi doonaan xukuumada cusub ee DFS.

Gudoonka baarlamaanka DFS ayaa shalay iyo xalay ku wargaliyey xubnaha baarlamanka DFS inay soo xaadiraan xarunta golaha shacabka si ay codka kalsoonida ugu qaadaan Xukuumada cusub ee uu soo dhisay Sharmaarke.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online