Banaanbax nabadeed iyo is dhexgalka bulshada oo maanta ka dhacay Adhicadeeye [Masawiro]

January 20, 2015 - Written by Editor

DSC_0583Laascaanood:-Banaanbax Balaadhan oo nabadeed ayaa maanta galinkii dambe waxaa uu ka dhacay magaalada Adhicadeeye , Banaanbaxaan waxaa soo abaabulay Odayaasha iyo waxgaradka  magaalada Adhicadeeye oo magaalada Laascaanood u jirta qiyaastii 30-KM,kagana beegan dhanka Galbeed.

Isu soo baxan ayaa keenay kala xidhnaan ay kala xidhnaynd magaalada Adhicadeeye taas oo dadkii halkaas deganaa ay kala kaxaysay colaado soo laab laabtay oo saamayn ku yeeshay bulshada magaalada Adhicadeeye.

Banaanbaxayaashan ayaa waxa ay socod dheer ku mareen laamiga dhex mara magaalada halkaas oo
aan si wanaagsan la isugu gudbi jirin oo ay xidhay colaada  mudo ka taagnayd magaaladaasi waxaana halkaas lagu jabiyay goob ay dadku ku kala laaban jireen oo loo bixiyay kala noqodka, waxaana si wayn ugu farxay banaan baxan haweenka iyo dadka nabada jecel ee Adhicadeeye.

Waana markii ugu horaysay oo dadku sameeyaan isu soo bax aan cid kale ku dhex jirin oo ay sameeyaan is dhex gal bulsho, waxaana halkaas lagaga sheekeeyay colaada iyo dhibka ay leedahay iyo baahida ay bulshadu u qabto Nolol iyo Horumar waxaana dadka qaar kiisa laga dheehanayay Ilmo gaar ahaan haweenka oo baahi badan u qaba nabada oo ay si gaar ah u saamayso colaada sokeeye.

Magaaladan marka aad dhex marayso madareemi kartid colaada ka jirta laakiin waxaa si wayn u og dadka ku nool waa magaalo Laascaanood aan waxba u jirin laakiin ay daashatay colaada  dhex tiilay dadkaasi xiligii aan saaka tagay waxaan si wayn ula yaabay markii dadku ii sheegeen in magaalada ay jirto calaamad aan la isu gudbin laakiin taas saaka waxaa jabiyay shacabka nabada jecel ee isu soo baxa sameeyay.

no images were found

C/kariim C/llaahi
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online