Ciidamada ammaanka ee gobolka Nugaal oo gacanta ku dhigay Khamri (Masawiro)

January 14, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Ciidamada ammaanka ee gobolka Nugaal ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay maandooriyaha ay ka mid tahay Khamri waxaana gacanta lagu dhigay laba nin oo watay.

Khamriga ay gacanta ku dhigeen ciidanka Ciidanka ayaa waxaa laga keenay dhanka Itoobiya waxaana ciidanka gobalka Nugaal sidoo kale ay gacanta ku dhigeen laba qof oo shacab ah oo laga shakiyey iyo laba gaari oo nooca raaxada ah

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Nugaal Axmed G/sare Cabdullaahi Samatar (Layli) ayaa goob fagaare ah kula hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay in shacbka gobalka Nugaal ay ciidanka kusoo wargeliyeen gawaarida sidey Khamrigaan markii ay ciidanka ku baxeena ay isku dayeen raga Khamriga waday in ay baxsadaan balse gacanta lagu soo dhigay.

Musfidiinta Khamriga waday ayaa lacag Laaluush ah u soo bandhigay ciidankii gacanta ku dhigay taas oo dhameyd 2,000$ balse waxaa diiday askartii howlgala fuliyey.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Nugaal Axmed G/sare Cabdullaahi Samatar ayaa ka codsaday madaxada iyo saraakiisha sare ee Puntland in abaal marin iyo dalacsiin lagu abaal mariyo askartii howlgaladaa fuliyey.

no images were found

G/sare Cabdullaahi Samatar Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Nugaal Axmed ayaa ugu mahad celiyey dadweynaha ku dhaqan gobalka Nugaal sida ay ciidanka ku soo wargaliyeen wuxuuna uga digay kuwa Maandooriyaasha soo gali Puntland isaga oo xusay in ciqaab adag la marin doono cid walba oo lagu qabto Maandooriyaal.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online