Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo Gargaar gaarsiiyey Degmada Buulo-burte

January 3, 2015 - Written by Editor

kolonyoBuulo-burte :-Wararka saaka naga soo gaaraya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay gaarsiiyeen raashin gargaar ah Degmada Buulo -Burte halkaas oo ay mudo dheer cunaqabateen saareen kooxda Al-Shabaab waxaana gaajo iyo oon ugu dhintay qaar ka m id ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Buulo -Burte.

Ciidanka DFS ee ka soo kala dhaqaaqay Degmada Buulo -Burte iyo Jalalaqs ayaa waxaa dhowr mar wadada waxaaa u galay kooxda Al-Shabaab waxaana iska horimaadka ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray labada dhinac.

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay galbinayeen 25 gaari oo waday raashin gargaar ah kuwaas oo loo waday Degmooyinka Buulo -Burte iyo Maxaas .

Cismaan Geedi Cilmi Duqa Degmada Buulo Burde ayaa warbaahinta u sheegay in raashinka gargaarka uu gaaray Degmada Buulo -Burte waloow uu sheegay in aysan ku filneyn gargaarka dadweynaha ku dhaqan Degmooyinka Buulo -Burte iyo Maxaas .

Jen Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafow) oo isagana la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadow ayna shacabka gaajada ugu dhimaya Buulo-burte iyo Maxaas ka hor istaageen Gargaarka wuxuuna sheegay in ay ka itaal roonaadeen.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online