Ciidamada Puntland oo howlgalo ka fuliyey Buuraleyda Galgala

January 5, 2015 - Written by Editor

galgalaGaroowe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ay ciidamada Puntland ay howlgalo ka fuliyeen Buuraleyda Galgala halkaas oo ay ku dhuumaaleystaan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen oo uu bartilmaameedka uu ahaa saldhig ay ka sameysteen ciidanka Al-Shabaab deegaanka Bali Dharkeynle

Ciidamada Puntland ayaa howlgalo culus ka wada  Buuraha Galgala waxaana isbuucii la soo dhaafay ay la wareegeen deegaanka Madashoon oo dhinaca Galbeed kaga beegan Galgala una jirta 23-KM.

G/Sare Maxamuud Cabudlqaadir Sumaysane oo kamid ah saraakisha hogaaminaysa ciidanka Daraawiishta Puntland ee saaka weerarka qaaday ayaa mar uu wareysi siiyey  Idaacada Daljir ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Puntland  ay abaare 11:30 barqanimo weerareen deegaano ka tirsan buuraleyda Golis ayna saldhigyadii ay weerareen ay dhamaantood qabsadeen.

G/sare  Maxamuud Cabudlqaadir Sumaysane ayaa sidoo kale waxaa uu ka waramay khasaaraha kala gaaray labada dhinac waxaana uu sheegay in 4 askari ka dhaawacmeen ciidanka Puntland dhanka Al-Shabaabna ay ka dileen 6 askari.

G/Sare Maxamuud Cabudlqaadir Sumaysane ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga sifeynayo Al-Shabaab deegaanada buuraleyda Galgala wuxuuna sheegay in haatan ay Al-Shabaab u carareen Galbeedka Buuraleyda Galgala.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online