Ciidanka Amaanka ee Jubaland oo qabtay 10 qof ka dib howgalo ay ka sameeyeen Kismaayo

January 11, 2015 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Maamulka J/land ay xalay gacanta ku dhigeen 10 qof oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiinAl-Shabaab ayna wax ka ogaayeen qarax shalay ka dhacay Kismaayo.
Qaraxa ka dhacay Xaafada Guule-wade shalay ayaa waxaa ku dhintay laba askari oo ka tirsan ciidanka Maamulka Jubbaland.

10 qof oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka amaanka ee Maamulka J/land ayaa waxaa lagu xiray xarunta nabad sugida ee magaalada Kismaayo.

Col. Cabdifitaax Macalin Nuur oo kamid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka J/land ayaa sheegay in ay wareysi iyo baaritaano wadaan wuxuuna sheegay in howlgalo ay ka socdaan magaalada Kismaayo xaafadaheeda kala duwan.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online