Ciidanka DFS iyo kuw Al-Shabaab oo dagaal ku dhexmarayo deegaanka Tarako ee gobalka Gedo

January 13, 2015 - Written by Editor

dagaalGedo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab uu ka socdo deegaanka Tarako oo qiyaas dhan 50 KM ka xiga dhanka galbeed ee degmada Baardheere.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxayna ku qaadeen deegaanka Tarako oo ay gacanta ku hayeen ururka Al-shabaab ,dagaalka ayaa ah mid culus waxaana ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ka yimaadeen deegaanka Buuzaar iyo degmada Ceel-waaq.

Ilaa haatan lama yaqaan khasaaraha kala gaaray labada dhinac waxaana degaanka uu dagaalka ka socdo ku sii qul qulaya ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya. Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa in badan sheegay in ay qorsheynayaan in ay qabsadaan Degmada Baardheere oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab balse wili kuma aysan guuleysan.

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online