Ciidanka DFS oo caawa sii daayey Laba Wariye oo ka tirsanaa Idaacada Goob Joog
January 5, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada DFS ayaa xabsiga ka sii daayay Labo Wariye oo ka tirsan Goobjoog FM waxaana ay kala yihiin 2-da wariye ee la sii daayey Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf.
labadan wariye ayaa waxaa xabsiga dhigay Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya kuwaas oo ku eedeeyey in ay Masawiro ka qaadeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
labada wariye ee la sii daayey ee kala ah Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf waxaa laga qabtay degmada Waabari ee gobalka Banaadir
A/Cawale
Halgan.net