Ciidanka Gaashaan oo lagu weeraray Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir

January 4, 2015 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Xeradii Afisyooni waxaana weerarka lagu qaaday ciidanka DFS gaar ahaan kuwa nabadsugida ee Gaashaan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana weerarka uu geystay khasaaro kala duwan waxaana weerarka lala eegtay ciidanka Gaashaan xili ay marayeen agagaarka Xeradii Afisyooni .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha gaaray ciidanka la weeraray iyo shacab ku dhawaa goobta uu weerarka ka dhacay .Ciidanka Gaashaan ayaa waxaa ay ku sii jeedeen dhanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo faro badan oo ka tisan kuwa DFS ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana goobta laga qaaday qaar ka mid ah ciidanka DFS oo qaraxa ku dhaawacmay .

Qaraxyada Ismiidaaminta ayaa waxaa inta badan adeegsada kooxda Al-Shabaab iyaga oo aan kala soocin shacab iyo ciidan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online