Culimada Puntland Oo Cambaareeyey Aflagaadadii Wargeyska Charle Hebdo uu u geystay Nebi Muxamed CSW

January 15, 2015 - Written by Editor

culumo1Garoowe:-Qaar kamid ah culimaa,udiinka ku dhaqan deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ayaa waxaa ay cambaareeyay aflagaadadii nabigeenii suubanaa Maxamed SCW ay u geysteen gaalada leh Wargayska Charle Hebdo kaas oo ka soo baxa dalka Paris.

Sheekh Axmed Cabdi Samed iyo Sheekh Cabdi Qani Qorane oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq u diray madaxada dowladaha Islaamka iyo shacabkooda waxaan uu ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan aflagaada ay gaalada ku heyso nebigeena Muxamed SCW.

Sheekh Axmed Cabdi Samed iyo Sheekh Cabdi Qani Qorane ayaa sheegay in cidwalba oo awood u leh in Nabigeena Maxamed CSW inn ay ku difaacaan gacan Af iyo Qoraal ay ka qeyb qaataan

Sheekh Axmed Cabdi Samed ayaa sheegay in weerarka qaawan iyo Aflagaada lagu hayo Nabigeena Maxamed CSW ay waajib tahay in ay ka hadlaan cid walba sida Madaxada,waxgaradka ,iyo Culumada .

Baryahaan ayaa Warbaahinta Reer galbeedka ee gaalada waxay Aflagaado ku hayaan Nabigeena Maxamed CSW iyaga oo dhibaateynaya mashaacirta Muslimiinta ku dhaqan daafaha Caalamka.

Al-Qaacidada Jaziirada Carabta ayaa sheegtay weerarka lagu qaaday xarunta Wargeyska Charle Hebdo waxaana weerarka ku lagu dilay 12 qof.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online