Culimo’udiin tegay Qabrigii Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax[Masawiro]

January 5, 2015 - Written by Editor

2Garoowe:-Qaar ka mid ah Culuma’udiinka dalka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Garoowe ayaa waxaa ay soo siyaarteen qabrigii lagu aasay Allaha u naxariistee Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo isagoo salaad casar u taagan ay ku dhex dileen gudaha Masjidka Beder ee ku yaal Garoowe amniyaadka Al-shabaab.

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee tiirka u ahaa Dacwada Soomaaliyeed halgan dheerna u soo maray fidinta dacwda iyo cadaynta xaqa iyo ka digista kooxaha lunsan ee Takfiirka ee banaysta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah.

Allaha u naxariistee raggii dilay ama soo abaabulay dilkii culimada uu ka mid ahaa Sh Cabdul qaadir Nuur Faarax iyo Sh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan Sh Maxamed Tahliil ayaan in badan hadda aysan ka noolayn waxaan dilay kooxdii ay ka tirsanaayeen ee ururka Al-shabaab iyagoo ku xasuuqay degmada Baraawe iyo halka qaar kalena cadaw Gaalo ah ay dileen.

Allaha u naxariistee Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu soo saaray jiil wanaagsan oo dar dar geliyey dacwadii uu waday iskuna dhaarsaday in ay fidiyaan diinta oo ay bixiyaan dadaalkii uu Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ku bixinayey Dacwada iyo Islaaxinta Mujtamaca xaqna loo sheego kooxaha lumay ee Takfiirka ah ee shacabka Soomaliyeed ee muslinka ah dhiigooda banaystay.

Culimada booqday qabrigii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Sh Xassan Maxamed Ibrahim Abu xassan oo ka maqnaa dalka markii Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax la dilay oo aanay u suuroobin in uu ka qayb galo Salaadii Janaazada oo culimada dalka Soomaaliya inta badan ay joogeen.

Allaha u naxariisto Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allahana ciqaabta ha ku soo dedejiyo kuwii soo abaabulay dilka Sheekha inta ay aduunka Joogaan.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online