Dugsiga Sare ee Muse Yusuf Secondary School oo Imtixaankii Teeramka Dhexe u Fadhiistay.[Masawiro]
January 1, 2015 - Written by EditorLaascaanood:-Ardayda Dugsiga Sare ee Muuse Yusuf Secondary School Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa u fadhiistay Imtixaankii Teeramka Dhexe ee Sanad Dugsiyeed 2014-2015. Tirada Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka ayaa kor u dhaafay 850 Arday , oo ka kooban Afarta Fasal ee From One , Form Two , Form Three, iyo Form Four.
Imtixaankan ayaa ahaanaya Imtxaankii loo Xisaabinayo hibco qayb ka ah guud ahaan wadarta dhibcaha ee ay kaga gudbi doonaan dhamaan 1000 dhibcood ee laga dooonayo Ardayd walba oo wax ka barat Dugsigan .
Dugsigan oo ka mida dugsiyada ugu Tayada badan ee ku yaallo Laascaanood iyadoo ay wax ka bartaa boqollaal Arday, kuwaas oo Sanad walbana ay uga soo gudbaan arday Tiradoodu Boqolaal tahay. Muse Yuusuf Seondry School waxaaa Laascaanood Laga aas aasay Sideetamaadkii waxaana dib loo furay Sanadki 2000 bur burkii Somalia ku dhacay oo hakad geliyay mooyee.
no images were found
Mawliid Ismaaciil Haro Digeed.
Laascaanood,Somalia
Laascaanood,Somalia