Faahfaahin Bam gacmeed xalay lagu tuuray Ciidan ka tirsan Booliska Boosaaso.[Dhagayso]

January 15, 2015 - Written by Editor

taliyeBoosaaso:-Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ayaa sheegay in bar Koontrool oo ay ciidanka Booliska Boosaaso ku lahaayeen isgoyska Afar- irdoodka  lagu tuuray bamgacmeed xil ay ku gudo jireen baaritaanka gadiidka iyo dadweynaha.

Ciidanka Booliska ee ku suganaa Is-goyska Afar-irdoodka ayaa waxaa ay fureen rasaas fara badan waxaan weerarka uga dhintay hal askari halka 2 kalena uu soo gaaray dhaawac waxaan ay ciidanku sameeyeen howl gal ay ku qabteen dad fara badan.

Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Bari Gaashaanle Sare C/Xakiin Yuusuf Xuseen oo shalay warbaahinta SBC la hadlay ayaa sheegay in hawlgal ciidamadu ka sameeyeen Xaafaddaha Boosaaso qaarkood ay soo qabteen dad la tuhunsan yahay oo lala xiriirinayo Bam gacmeed lagu tuuray Saldhiga Booliska ee Bartamaha  maalintii Jimcaha.

Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Bari Gaashaanle Sare C/Xakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in weerarka Bamka ah ee lagu tuuray Saldhiga Booliska ee Bartamaha ay geysteen dad aan ka tirsanayey Al-shabaab ayna ku wadaan baaritaan dhawaana ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan.

Siyaasi Dadka odrosa siyaasada  kooxaha ama jabhadaha hubaysan oo aan wax ka wiidiinay weerar bam gacmeed yada ee ka dhacay Boosaaso ayaa waxaa uu yiri.” Walaal weeraradaan loo adeegsanayo Bamgacmeedka laguna tuuray Saldhiga Booliska ee Bartamaha ee Boosaso iyo  Bam gacmeedkii xalay lagu tuuray Is-goyska Afar-irdoodka  u jeedkiisu waxaa weeye in Al-shabaab oo adeegsanaya taageerayaashood kala duwan gaar ahaan saxaafadda ay ugu muuji yaan in ay weli joogaan oo aan awoodood la wiiqin maadaam Taliska Ciidanka Puntland ay soo bandhigeen saldhigyo ay ku lahaayeen Al-shabaab Buuraha Calmadow ee ay kala wareegeen”.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Bari Gaashaanle Sare C/Xakiin Yuusuf Xuseen oo u waramay Idaacadda SBC

[audio: http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2015/01/2-Gaashaanle-sare-Cabdixakiin-faahfaahin-qaraxyadii-.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online