Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo kulan duco iyo marti gelin ah sameeyey.[Masawiro]

January 18, 2015 - Written by Editor

1Buuhoodle:-Garaadka C/Risaaq Garaad Soofe oo dhawaan lagu boqray beeraha Balliga Buuhoodle ayaa maalinimadii shalay ka qayb galay kulan lagu Sagootina yey Wufuudii ka kala yimid Gobollada Soomaaliya ee ka soo qayb galay hadhimo Sharafeedkii lagu casuumay Wufuudan.

Kulan ballaadhan oo ka dhacay Madasha Caleema saarka ayaa  ka soo qayb galeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada buuhoodle ujeedada  kulankan ayaa ahaa  mid loogu mahadnaqayey marti sharaftii kala duwanayd ee ka so qayb gashay Caleema saarkii Garaad C/Risaaq Garaad Soofe  iyo sagootin la sagootinayo wufuudii maalmahaan ku sugnaa Magaalada  Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Munaasabadan oo ay ka hadleen Odayaal dhaqameed, Culimaa’udiin , Abwaano wax gaard iyo hooyooinka Buuhoodle ayaa lagu soo bandhigay Suuggaan noocaydeeda kala duwan , Kuwaas oo xambaarsanaa murti garaad lagula talinayey inuu Ummada ku xukumo shareecada Islaam ka isla markaana noqdo Garaad dhaqameed aanu noqon Garaad Siyaasadeed .

Garaad C/Risaaq Garaad Soofe ayaa sheegey inuu mahadnaqayo dhamaan umada cid walba oo aa ka qayb qaadatay hawshiisa, iyo cidaan ka qayb qaadan  .

‘Waxaan u mahad naqayaa Allaahii weynaa ee noo suurta galiyey inay qabsoonto hawshaan , waxaan kale oo u mahad naqayaa cidii ka qayb qaadatay iyo kuwii ku bixiyey dhaqaalohoda, kuwii Jeclaa inay wax bixyaan laakiin aanay u suurooibin , iyo Kuwii aan waxba bixinba , Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa Guutada Koowaad oo ahayd guutadii hawshan diyaariyey iyo Madashii hawshu ka dhacday  ayuu yidhi garaad C/risaaq Garaad Soofe .

”Anigu meelna uma socdo ,Maamul aan wax u doonananyo ma Jiraan idinka ayaan geedkaan idiin fadhiiisanayan Taa iiga Talagala ‘ ayuu mar labaad yidhi Garaadku.”.

Dhinaca kale wuxuu garaadku u duceeyey Ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba , gaar ahaan shacabka reer Buuhoodle iyo qof walba o ka mid ah shacabka dhib walboo haysta inuu Alle SW
ka qaado Kurbada ka dibna garaadku waxaa uu soo xidhay Munaasabadii Caleema Saarka .

no images were found

Mawliid Isma Haradigeed    
Buuhoodle G Cayn  .

Leave a comment

*

Archives
January 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online