Guddoomiyaha degmada Xudur oo sheegay in ay la wareegeen deegaanka Abag-beedey
January 6, 2015 - Written by EditorXudur:-Ciidanka DFS ayaa waxaa ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Abag-beedey oo 20 km dhinaca waqooyi-galbeed ka jira degmada Xudur, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ku dhibaateyn jireen gawaarida u kala gooosha gobalka Bay iyo Bakool.
Maxamed Macallin Axmed oo ah Guddoomiyaha degmada Xudur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka DFS ay la wareegeen deegaanka Abag-beedey wuxuuna sheegay in ay Al-Shabaab ka dileen 10 askari.
Guddoomiyaha degmada Xudur ayaa mar uu ka waramayey khasaaraha dhankooda gaaray wuxuu sheegay in dhowr askari ay ka dhaawacmeen .
Ciidanka DFS oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaano ka tirsan gobalka Bakool.
A/Cawale
Halgan.net